Ku saabsan anaga

Heeganka haweenka iyo gabdhaha ee Umeå waa jaaliyad horumarisa haweenka oo ay hawsheeda socodsiiyaan haween looguna talogalay haweenka tan iyo 1979. Waanu ku dhagaysanaynaa oo ognahay in waxa ku soo maray iyo dagaalkani yihiin wax run ah.

 

Waxaanu la kulanaa haween, gabdho iyo caruur u baahan taageero iyo gabood ay ka helaan ragga iyo wiilasha dagaalkooda. Anaga waxaa xitaa noo yimaada haween iyo gabdho dhibaato dagaal ka soo gaartay xiriiryada lamaane ee isku jinsiga ah iyo haweenka berigii hore ku dhashay iyagoo wiil ah laakiin isu arka inay iminka yihiin haween iyo dadka isku arka inaanay jinsi gaar ah lahayn laakiin waayo aragnimo u leh in loola dhaqmo sidii haweenay ahaan.

 

Waxaanu bixin karnaa:

  • Taageero wada hadal dhanka telafoonka iyo ballan
  • Wadahadal taageero oo la siiyo caruurta uu dagaal ku soo wajahay guriga
  • Talo-bixin sharciyan ah
  • Taageero marka lala xiriirayo hey’adaha dawladeed, daryeelka bukaanka, gar-yaqaan, iwm
  • Hoy gabood ah

 

Dhamaan shaqadayadu waxay ku salaysantahay mabda’a in qofku lagu caawiyo inuu keligii is caawiyo oo waxay u dhacdaa si ku salaysan shuruudaha qofka codsanaya. Dhamaan dadka noo shaqeeya waxay ballan qaadeen xog-qarinta sirta oo waxaad fursad u haysataa in aanad sheegin magacaaga.

 

Waxaanu shaqaynaa maalintii iyo habeenkii labadaba oo ah shaqaale iyo xitaa dad si tabbaruc ah u shaqeeya. Dhamaan haweenka noo shaqeeya ee aad la kulmeyso waxay haystaan waxbarasho aasaasi ah dhanka in haweenka la horumariyo iyo aqoonta dhanka raggu dagaalka ay u geystaan haweenka.

 

Xiriirka

Maalintii
Isniin-jimce 8.00-16.00

 

Wakhtiga habeenkii – kooxo heegan ah oo mutadawaciin ah
Talaadooyinka (SKSE) 17.30-18.30
Talaadooyinka (Heeganka sharciyan) 18.00–20.30
Arbacooyinka (heeganka gabdhaha) 17.30-20.00
Arbacooyinka (heeganka arbacada) 18.00-20.00
Khamiisaha (heeganka khamiista) 18.00-20.00

 

mail@kvinnojoureniumea.se
090 77 97 00

 


Miyaad na weyday? Dhaaf fariin leh magac iyo lambar markaas waan ku soo wacaynaa!